Money Matters In Soomaali

Arrimaha Dhaqaalaha caqabad badan ayaa lagala kulmaa marka loo eego waayihii hore! Waxaa lama huraan ah in aan aad uga taxadarno lacagaheena. Buugga gacan qabsiga ee loogu magac daray Money Matters ayaa wuxuu kaa caawin doona si aad u heli lahayd macluumaadka la xiriira sida ugu haboon ee lacag loo dhigto bangiyada; loon qorsheeyo miisaniyadda ; si aad u gaari lahayd hadafkaaga maaliyadeed iyo sida aad uga badbaadi lahayd xatooyada sirta isla markaana, aad u heli lahayd deymaha xadidan ama mudaysan.

Seminaarada Waxbarashada Financial

Maktabadda Kansas City iyadoo kaashanaysa Shabakadda Shaqaaleynta Haweenka, waxaa farxad u ah in ay idin siiso tababaro la xiriira aqoonta Maaliyadeed ee lacagaha! Si aad u hesho macluumaadkan oo ku qoran luqadda Soomaali, dooro taxanaha Buugga macluumaadka Money Matters ee hoos ku qoran.

Buugga Macluumaadka Money Matters

Buugga Macluumaadka, ee loogu magacdaray Lacag Baa Waxtarta waa hab muhiim ah oo aad ku baran karto hannaanka bangiyada, Miisaaniyadda, Deymaha, Xatooyada Macluumaadka Sirta ah iyo daymaha xaddidan. Waxaad nuqul daabacan ka heli kartaa dhammaan xarumaha Maktabadda Dadweynaha ee Kansas City, Xarunta Fursadaha Maaliyadda ee Kansas City iyo walibana Xarumaha kale ee bixiya Adeegyada dowladaha hoose.